Home / Activity / SOLJA oo Somaliland ku marti-qaaday Hay’adaha iyo Ururada Caalamiga ah ee saxaafadda Taageera (SMSG)

SOLJA oo Somaliland ku marti-qaaday Hay’adaha iyo Ururada Caalamiga ah ee saxaafadda Taageera (SMSG)

smsgHargeysa(SOLJA) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa shalay xaruntooda guud ku qaabilay lix iyo toban xubnood oo ka tirsan Ururada iyo Hay’addaha Caalamiga ah eek u bahoobay Taageerada Saxaafadda, waxaanay isweydaarsadeen warbixino la xidhiidha fulinta mashaariic lagu horumarinayo saxaafadda Somaliland.

Weftiga Caalamiga ah ee SOLJA ku marti-qaaday Somaliland waxa hogaaminayay Jaco Du Toit oo ka tirsan Hay’adda UNESCO isla markaana madaxweyne ka ah Ururka ay ku bahoobeen hay’addaha Caalamiga ah ee saxaafadda caawiye ee SMSG.

Sidoo kale, waxa weftiga xubno ka ah Wariyaha caanka ah Susanah Price oo ka socotay hay’adda UNICEF, Tom Rhodes oo ka socda CPJ, William Reeve  la taliye arrimaha saxaafadda safaaradda UK ee Addis ababa, Judith Otieno UNDP, Aleem Sidduque UNSOM, Line Neilson IMS/FOJO, Patric Mutahi Article 19, Abdiaziz Musa Free Press, Gavin Roy RCO Somaliland, Mustafe Khaire RCO Somaliland, Mohamed Gaas BBC Media Action, Mohamed Farah Interpeace /APD, Ahmed Awil Relief International iyo Mohamed Osman Network 2013.

Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac, Xoghayaha Guud Xuseen Kurdi iyo Xubnaha Hogaanka sare ee Ururka SOLJA Maxamed Cabdi Boosh, Maxamed Maxamuud Yuusuf Ilkacase, Xayaad Maxamed C/laahi iyo Saynab Maxamed Cabdi  ayaa weftiga uga waramay maraaxilkii kala duwanaa ee saxaafadda Somaliland soo martay, iyagoo uga waramay mudadii ay hogaanka SOLJA qabteen inay wax ka qabteen nidaamka maamul ee Ururka.

SOLJA waxay weftiga ka codsadeen in laga caawiyo baahiyaha kala duwan ee Saxaafadda Somaliland ka jira, iyagoo soo dhaweeyey wada shaqaynta iyo xidhiidhka dhamaan daneeyayaasha Saxaafadda gaar ahaan kuwa ku bahoobay SMSG-ka.

Xubnaha SMSG oo iyana ka hadlay kulanka SOLJA ku martiqaaday ayaa soo dhaweeyey wada shaqayn kasta oo SOLJA uga baahato, iyagoo gaar gaar u balanqaaday inay u taageeri doonaan, waxaanay soo dhaweeyeen in SOLJA muujiso furfurnaan dheeraad ah.

Weftiga ayaa manta kulamo kala duwan la yeelan doona, wasiiradda Arrimaha Dibeda, Qorshaynta, Warfaafinta, Golaha Wakiiladda, Xuquuqal Insaanka, Ururada Bulshada iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta xubno meteli doona.

About Abdishakur Mohamud

Check Also

Press release: SOLJA Organized Media Content Monitoring for presidential Election 2017

As opposed to prior elections the 2017 presidential polls saw local media houses perform devoid ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *