Home / Activity / Ururka SOLJA iyo Madaxa hay’adda Freepress oo ka wadahadlay wax ka qabashada shuruucda Saxaafadda

Ururka SOLJA iyo Madaxa hay’adda Freepress oo ka wadahadlay wax ka qabashada shuruucda Saxaafadda

 

DSCF3692

17-02-2016(SOLJA) madaxa Hay’adda Freepress C/casiis Muuse Yuusuf ayaa booqday Xarunta Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxaanay ka wadahadleen madaxda Ururka sidii wax looga qaban lahaa Ururka SOLJA iyo Madaxa hay’adda Freepress oo ka wadahadlay wax ka qabashada shuruucda Saxaafaddaqabyada ka muuqata shuruucda Saxaafadda Somaliland.

DSCF3692

Hay’adda Freepress iyo SOLJA waxa ay kulankooda kaga wadahadleen baahiyaha ka jira dhamaystirka Xeerarka iyo qabyada ka muuqata Xeer No:27-2004, kuwaas oo u baahan in loo qabto kulamo lagu darsayo baaxada shaqo ee ay u baahan yihiin.

C/casiis waxa uu balanqaaday hay’ad ahaan inay doonayaan dhaqaalaha ku baxaya hawshaasi, isagoo ka dalbaday SOLJA inay usoo gudbiso aragtidooda la xidhiidha qaabkii ay uga wadashaqayn lahaayeen shuruucda.

DSCF3697

Guddoomiyaha Ururka SOLJA oo ay wehelinayaan Agaasimaha guud ee Ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi iyo madaxa mashaariicda Liibaan Cabdi Xasan ayaa dhinacooda u bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin inay Freepress ka taageerto Ururka dhinaca Shuruucda.

SOLJA waxay ka dalbatay Freepress inay dhaqaale u raadiso si saxaafadda Somaliland u noqoto mid ka gaashaaman karta Dacwada ka dhanka ah mihnadooda, isla markaana ay aqoon dheeraad ah ugu yeeshaan caqabadaha ka hor iman kara.

DSCF3684

Gabagabadii SOLJA iyo Freepress waxay isla qaateen inay sanadkan ka wadashaqayn doonaan mashruuc ay Dawladda Holland kaga codsanayaan inay ka taakulayso dhaqaalaha ku baxaya tababaro iyo kulamo loo qaban doono saxaafadda Somaliland.

SOLJA iyo Freepress waxay sanadkii hore wada qabteen dhawr tababar oo kala ahaa kaalinta ay saxaafadda Somaliland ku leedahay xalinta Khilaafaadka, Maamulka iyo Maaraynta dhaqaalaha hay’addaha Saxaafadda.

DSCF3682DSCF3683DSCF3684DSCF3686DSCF3689DSCF3692DSCF3693DSCF3697

About Abdishakur Mohamud

Check Also

SOLJA Conducted Celebration Event on World Press Freedom Day

Kindly find a small snapshot report with Pictures! on today’s World Press Freedom Day ceremony ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *