Home / Training / Tababar 9 Suxufi Loogu Qabtay  Xarunta SOLJA

Tababar 9 Suxufi Loogu Qabtay  Xarunta SOLJA

9 Suxufi oo ka hawl gala Wargeysyada, Telefishanada iyo Idaacadda Radio Hargeysa, ayaa tababar ku saabsan tebinta Maamul wanaagga loogu soo geba gabeeyey Xarunta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

DSCF1638

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah, oo fulintiisa iska kaashaday Mashruuca Xoojinta Dawladnimada ee SSG iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa muddadii uu socday waxa lagu baranayey habka ugu wanaagsan ee ay Suxufiyiintu u tebiyaan wararka la xidhiidha Maamul Wanaagga iyo Dimuqraadiyadda, iyada oo tababarkan uu bixinayey Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka tirsan hay’adda Internews.

DSCF1639

Casharada lagu bixinayey tababarkan ee Weriyeyaashii ka qayb galay ka faa’idaysteen, wax aka mid ahaa tebinta maamul Wanaagga, Xuquuqda ka qayb galka ee haweenka, habka weriyeyaashu u baadhi karaan warar la xidhiidha isla xisaabtanka iyo musuq maasuqa iyo weliba wada shaqeynta ka dhaxaysa Dawladda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Dadweynaha.

DSCF1642

Sidoo kale waxa lagu tababarkan muddadii uu socday  Weriyeyaasha ka qayb galay qaabka Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu u waxa shaqeeyaan ka soo jeediyey Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo sharaxaad ka bixiyey waajibaadka Golahooda iyo sida ay ula xisaabtamaan Xukuumadda.



DSCF1640 DSCF1641
DSCF1643 DSCF1644 DSCF1645 DSCF1646 DSCF1647 DSCF1648 DSCF1649 DSCF1650 DSCF1743 DSCF1744 DSCF1745 DSCF1746 DSCF1748 DSCF1751 DSCF1754 DSCF1756 DSCF1758 DSCF1761 DSCF1762 DSCF1765 DSCF1768 DSCF1770

About Abdishakur Mohamud

Check Also

Ururada SOLJA iyo VIKES Oo tababar laba cisho socday wada qabtay

Hargeisa SOLJA -Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo ururka VIKE oo taageero ka helaya Wasaarada ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *