Home / Press release / War-saxaafadeed:- wariyayaal Reer Somaliland ah oo lagu xidhay Kililka 5aad ee Itoobiya

War-saxaafadeed:- wariyayaal Reer Somaliland ah oo lagu xidhay Kililka 5aad ee Itoobiya

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxda Dawlad

deegaanka Somalida Itoobiya ugu baaqayaa inay Xorriyadiisa usoo celiyaan Wariye Mukhtaar

Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, kaasoo isaga iyo afar wariye oo kale ciidamadda Liyuu

Booliisku ka kaxaysteen magaaladda Wajaale.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xaqiijiyey inay wariyayaasha kala ah Muxyadiin

Maxamed Daahir Tv-ga Qaranka, Ayaanle Maxamed Xaaji Bulsho Tv, Cilmi Maxamed Jaamac

STAR, Caydaruus Axmed Ismaaciil Universal ay Xorriyadoodii dib u heleen, hase yeeshee wariye

Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV illaa hada xidhan yahay.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii

wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad

celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

About Abdishakur Mohamud

Check Also

War-saxaafadeed: Jooji Dhaleecaynta Suxufiyiinta

Ururka suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa kulankiisii shanaad ee hogaanka yeeshay 28-29 bishii Augost waxaanu kaga ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *