Home / Activity / Ururka SOLJA oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta

Ururka SOLJA oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta

dscf8779Hargeisa-SOLJA-Ururuka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta oo uu hor kalacayo  Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxdiid Cadaani, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Marwo Shugri Xariir iyo Wasiiru dawlaha warfaafinta.

kulankan  oo lagu qabtay Xarunta Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa waxa ay Ujeedadiisu ahayd sidii  ay Masuuliyiinta Labada dhinac isaga Xog waraysan lahaayeen, Xaalada Guud ee Suxufiyiinta Somaliland iyo Wada Shaqanta labada dhinac.

dscf8772

Kulankan ayaa ugu horeyn waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Waxaanu Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta uga Xog waramay Hawlaha kala duwan ee Ururka SOLJA u hayo Bahda Warbaahinta, gudoomiyuhu wuxuu si qoto dheer uga waramay tirade kiisaska ee uu Ururka SOLJA diiwaan galiyey mudadii ay xilka hayeen maamulka hada jooga iyo farqiga u dhexeeya marka la bar bar dhigo sanadihii hore, waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay inuu Ururka SOLJA tobabaray tiro badan oo Suxufiinta Somaliland ka mid ah kuwaasi oo ka kala tirsan suxufiyiinta ka hawl gala dhamaan Gobolada Dalka.

dscf8794

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka waramay hawlaha Xafiisku qabtay waxaanu sheegay in la sameeyey Qorshaha Seddexda Sano ee soo socda lagu socodsiin doono Hawlaha Ururku qabto, iyo sidoo kale qorshe yaal kale oo ay ka mid yihiin Sanduuqa horumarinta, Diiwaan galinta Suxufiinta, qorshaha u doodida suxufiyiinta iyo qorsheyaal iyo waxqabadyo tiro badan oo uu Ururku qabtay.dscf8796

Dhinaca kale waxa kalmado kooban Madashaasi ka jeediyey Suxufi Yoonis Cali Nuur oo ruug cadaa dhinac Saxaafada ah, la taliye-na u ah Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliand waxaanu ka waramay qiimayno kala duwan oo dhinaca Saxaafadaa ah oo ay sameeyeen isaga iyo kooxo uu ka tirsanaa.

dscf8805

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Marwo Shugri Xariir ayaa ka warantay Doorka Wasaarada Warfaafintu ay ku leedahay Tayeynta iyo daryeelka Suxufiinta Somaliland, iyadoo sheegtay inay kaalin mugleh ka gaysan doonaan, waxa kale oo ay ugu baaqday Suxufiinta inay ka qayb taataan horumarka qaran Somaliland.

dscf8778

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland mud. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa sheegay inay si dhaw ula shaqayn doonaan Ururka Saxafiinta Somaliland ee SOLJA oo ay ka taageeri doonaan dhinaca kor u qaadista Aqoonta Saxaafadda, waxa kale oo uu Wasiirku Balan qaaday inay kaalin muhiima ka qaadan doonaan shirka Saxaafada ee maal maha soo socda uu qaban doono Ururka SOLJA

dscf8805 dscf8801 dscf8799 dscf8798 dscf8791 dscf8793 dscf8794 dscf8796 dscf8797 dscf8789 dscf8788 dscf8787 dscf8786 dscf8782 dscf8777 dscf8778 dscf8779 dscf8780 dscf8781 dscf8771 dscf8772 dscf8773 dscf8775 dscf8776 dscf8766 dscf8762 dscf8761 dscf8759 dscf8758 dscf8771 dscf8794 dscf8799

About Abdishakur Mohamud

Check Also

Multimedia Training offered by DW Academy & SOLJA

On Saturday 1 July 2017 DW Akademie teams have arrived in Hargeisa, the capital city ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *