Home / Activity / SOLJA iyo VIKES Oo 35 Wariye ku tababaray Magaalada Borama

SOLJA iyo VIKES Oo 35 Wariye ku tababaray Magaalada Borama

Tobabarkan oo mudo Seddex Cisho ah socday oo lagu tobabaray 35 suxufi ayaa waxa si wada jir ah u qabtay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Hay’ada VIKES

dscf1423Munaasibada Furitaanka Tababarkan oo lagu qabtay Hotel Rays ee magalada Borama ayaa waxaa ka soo qayb galay Maayirka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Maydhane, Gudoomiya Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA, Agaasimaha fulinta, Madaxa Barnaajiyada iyo Masuuliyiin ka socotay Hay’ada Caalamiga ah ee VIKES (Finish foundation for Media Development) oo uu Hogaaminayo Peik Johansson oo ah madaxa Banrnaamijyada iyo Cabdi Wali, iyo wariye yaasha Gobolkaasi ee Tababarka loo qabanayey.

Ugu horeyn Walkiilka Ururka SOLJA ee Gobolka Awdal Haashim Good Sh. Cumar oo kalmadii Furitaanka ka jeediyey madasha ayaa soo dhaweeyey, Xubnaha Ururka SOLJA iyo Masuuliyiinta Hay’ada VIKES ee safarka ku tagay Borama si ay Tobabarka u soo qabtaan, Isagoo dhamaan Kasoo qayb galayaasha kulankaasi uga mahad Celiyey ka soo qayb galkooda.

Agaasimaha Fulinta ee Ururka SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyey Ujeedada Siminaarkaasi oo uu sheegay inuu muda seddex maalmood ah socon doono, mudadaasina Wariyeyaasha lagu bari doono Mabaadiida Asaasiga ah ee Saxaafadda, Anshaxa warinta wararka ee suuban, ilaalinta shuruucda iyo anshaxa war tabinta, waxaanu Kasoo qayb galayaasha tobabarka ku amaanay sida hagar la’aanta ah ee ay uga soo qayb galeen toababarka isagoo sidaa si la mid ahna ku dardaaray inay uga faa’idaystaan duruusta.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (XUUTO) ayaa Si qoto dheer uga waramay Waxqabadyada Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, wax qabad yadaasi oo ay ka mid ahayd inuu Ururku tobabaray intii uu maamulkani hogaaminayey in ka badan 500 oo suxufi oo lagu tababaray dhamaan Gobolada Somaliland haatana Gobolka Awdal ay khiibiiro Ajaanib ahi tobobar seddex maalmood soconaya ugu qabanayaan Suxufiiyinta gobolka, Gudoomiyuhu wuxuu wariye yaasha ku adkeeyey inay si fiican uga faa’idaystaan oo ay ku dabaqaan hawl maal meed kooga.

Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay inay Warbaahintu tahay midi laba afleh oo dhan walba wax u goynaysa, sidaa daraadeed buu yidhi wariye yaashu waa inay ka foojignaadaan wararka Xanafta leh ee aan wanaagsanayn, waxaanu intaasi ku daray inay Wariye yaashu ka shaqeeyaan oo ay tabiyaan wararka Bulshada iyo qarankaba tantu ugu jirto ee wax tarka leh.

Dhinaca kale madaxa Barnaamijyada ee Hay’ada VIKES Peik Johansson ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay Hay’adani Markii ugu horeysay Tababar ku qabato Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal iyada oo ay wada shaqaynayaan Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Ugu damambeyn waxa si Rasmiya U bilaabmay Tobabarka oo mudo Sedex Cisho ah socday, kaasi oo wariyeyaasha lagu barayey Mabaadiida Aasaasiga ah ee Saxaafada, Ansharaxa Warinta Wararka, iyo Ilaalinta Shuruucda iyo Hanaanka Wartabineed ee Suuban, iyadoo taasi ay barbar socotay Aaraada Wariyeshaasha dhexdooda oo kooxo kooxo ay uga doodayeen sidii arimaahaasi kor aynu ku soo sheegnay loo dabaqi lahaa iyo Caqabadaha ka hortaagan oo ay si fiican iskula qaateen xalkooda iyo sidii loo soo horumarin lahaa aqoonta Wariyeyaasha Gobolka Awdal.

Gabo gabadii waxa halkaasi Shahaadooyin lagu Gudoonsiiyey dhamaan ka soo qayb galayaashii Tobabarkaasi, kuwaasoo mudadii seddexda Cisho ahayd ee uu Tobabarku socday si hagar la’aan ah uga qayb qaatay habsami u socodka duruustii loo dhigayayey. Mudadaasi Seddexda Cisho ahayd ee uu Tobabarku socday waxa isku dubaridayey Madaxa Barnaamijyada ee Ururka SOLJA Liibaan Cabdi Xasan

dscf1099 dscf1102 dscf1103 dscf1184 dscf1165 dscf1162 dscf1108 dscf1112 dscf1186 dscf1216 dscf1286 dscf1324 dscf1322 dscf1314 dscf1320 dscf1305 dscf1327 dscf1329 dscf1333 dscf1345 dscf1404 dscf1444 dscf1439 dscf1423 dscf1422 dscf1419dscf1322dscf1099

About Abdishakur Mohamud

Check Also

SOLJA Conducted Journalists and religious Leaders’ Second Meeting

Hargeisa-SOLJA, Somaliland Journalists Association, with support of Al-Bashiir and Ministry of Presidency of Somaliland Conducted ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *