Home / Activity / Shirkada TELESOM oo Ururka SOLJA ku wareejisay Qalab Warbaahineed

Shirkada TELESOM oo Ururka SOLJA ku wareejisay Qalab Warbaahineed

telesomHargeisa-SOLJA- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa Deeq qalab ah ka gudoomay shirkada Isgaadhsiinta ee Telesom, qalab kaasi oo ay shirkadu soo gaadhsiisay Xarunta Guud ee Ururka SOLJA ee magaalada Hargeysa, qalabkan oo isugu jiray Mishiinka Daabaca Kaadhadhka Aqoonsiga oo lagu daabaci doono, Kaadhka Suxufiyiinta Somaliland, Miksar, Makarafoono, Camarad iyo agabkoodii kale.

Madaxa Suuq gaynta Shirkada Isgaadhsiinta ee Shirkada Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa sheegay inay Shirkadu qalabkana ugu talo gasho inuu Ururka SOLJA uga Faa’idaysato sidii ay ugu horu marin lahayd Suxufiyiinta Somaliland, isagoo sheegay inay Shirkada Telesom si dhaw ula shaqayso Bahda Warbaahinta oo uu kow ka yahay Ururka SOLJA oo ay hore ugu qalabeeyeen Computer Lab.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa soo dhaweeyey waxaanu sheegay inuu qalabkan Cusub ee ay shirkada Telesom gudoon siisay, isagoo uga mahad celiyey, sheegayna inay uga faa’idayn doonaan oo ay wax badan kaga qaban doonaa Baahida Warbaahinta kuna horumarin doonaan. Gaba-Gabadii Ururka SOLJA waxa uu si rasmi ah shirkada TELESOM ugala wareegay Galabkii ay soo gaadh siisay oo dhamaystiran.

 

About Abdishakur Mohamud

Check Also

SOOL/Lasanod: VIKES and SOLJA Jointly Conduct a day Training

Vikes Conduct a 3 day Training on Training on best practices of Journalism and professional ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *