
War-saxaafadeed: Xaalada Wasarada Warfaafinta Oo Sii xumaanaysa
War-saxaafadeed:
Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu aad uga xun yahay dhacdooyinka is daba jooga ah ee ka soo gaadhaya wasaaradda Warfaafinta kuwaasoo si joogto ah mugdi u sii galinaya awoodii wasaaraddaasi lahaan jirtay iyo adeegii ay bulshada u haysay oo sii libdhaya.
Toddobaadkii ugu danbeeyay waxa wasaaradda hadheeyay inay soo food saareen in Telefishankii cusbaa ee Wasaaradda Warfaafintu gubtay, iyadoo aan la garanayn sababta rasmiga ah ee gayaysiisay inay dadweynihii cashuurtooda lagu soo iibiyay ay waayeen daawashadiisa, maadaama war laliyaha gubtay gaadhi jiray masaafad ka balaadhan intii hore, iyadoo uu soo iibiyay wasiir Maxamed Muuse Diiriye ka hor intaanu xilka wareejin.
Sidoo kale, waxa gabi ahaan ba la waayay Idaacadii cusbayd ee Madaxweyne Muuse Biixi balanqaaday inay sanadkan iminayso, taasoo ahayd mid noocii hore ah (Analog), halka idaacadii hore ee Digitalka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo soo iibiyay ay hore u gubatay xal na loo waayay. Waxaana soo if baxaya in xukuumaddu sifo sharci daro ah ku bixisay qandaraaska idaacadaas, taasoo sababtay in loo xidho muwaadinkii Madaxweynuhu Qandaraaskaas ku siiyay.
Qaylo-dhaanta Ururka SOLJA ka soo gaadhaysa wariyayaasha iyo farsamayaqaanadda wasaaradda warfaafinta ayaa h in laba iyo labaatankii hawlwadeen ee soo tabinayay ciyaarihii goboladda illaa hada ay la’yihiin gunnaddii ay ku shaqaynayeen, taasoo masuuliyiinta wasaaraddu u balanqaadeen, hase yeeshee ay ka waayeen, iyagoo ku shaqeeyay duruuf adag oo galin hore iyo galin danbe ah oo laga jaray quutal daruurigii ay xaqa u lahaayeen.
Waxa kale oo markii ugu horaysay wasaaradda Warfaafinta ka dhacday in Wasiir koore sifo sharci daro ah u xidhay madaxii Telefishanka qaybta Satelite-ka, isagoon u marin nidaamka loo maro shaqaalaha marka ay sameeyaan gef ama lagu eedeeyo shaqo xumo.
Dhacdooyinkan oo dhami waxay dhacayaan wakhti wasiirka wasaaraddu ku mashquulsan yahay warbaahinta madaxa banaan ee xilka uu dastuurka iyo xeerka Saxaafaddu u jideeyeen uu u curyaamin lahaa, isagoo gabi ahaanba dhinac isaga leexinaya ku dhaqanka xeerka saxaafadda.
Sidaas daraadeed; Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo u bayaaminaya ummadda Somaliland dhacdooyinkaas waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqayaa in uu dabaqabateeyo wasaaradda Warfaafinta dhacdooyinkan tiiraanyadda leh ee ka taaganna wax ka qabto.
Sidoo kale; Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu wasiirka ugu baaqayaa in uu daryeelo hantida iyo masuuliyadda loo igmaday, isla markaanna cashuurta laga qaado Idaacaddaha Ajanabiga ah ee BBC iyo VOA-da ee wasaaraddaasi soo mara ku xareeyo Qasnadda Dawladda sidii wasiir cadaani yeelay oo kale isagoo warbaahinta u bandhigi jiray si ay u cadaato in lacagahaasi u xeroodeen Qaranka.
Ugu danbayntii Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), waxa uu ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda guddiyadiisa Dhaqaalaha iyo Dabagalka Hanti-da inay wax ka qabtaan dakhliga Wasaaraddaasi ee aan ku xeroon Qasnada Dawladda isla markaanna Hantida gubatay ama La lunsaday talaabo ka qaadaan, isla markaanna goluhu nidaamka sharci ee ay saxaafadda u ansixiyeen ku difaacaan, Ansixinta Xeerka cusub-na dardar galiyaan.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)