Ogeysiis: Abaal Marinta Cawke (Awke Award 2018)
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ku war-gelinayaa dhamaan Suxufiyiinta Somaliland in uu Tartankii Abaal marinta Cawke ee sanadka 2018-ku si rasmi ah u furan yahay 15/09/2018-15/10/2018-ka.
Sidaas daraadeed; Dhamaan Suxufiyiinta Somaliland waxa laga codsanayaa inay soo xaraystaan barnaamijyadda kala duwan ee ay kaga qayb galayaan Tartanka.
Qaybaha iyo Barmaamijyada lagu tartamayo :-
· Warbixinada ku aadan arimaha bulshada sida baahiyaha aasaasiga ee Biyaha, Caafimaadka , Waxbarashada iyo Deegaanka
· Warbixinada doorka warbaahintu ku leedahay daminta colaadaha iyo adkaynta nabadgelyada
· Warbixanada ku aadan arimaha Doorashooyinka, Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
· Warbixinada ku aadan tebinta Aafooyinka dabiiciga ah sida Abaaraha, Duufaanta
Shuruudaha Tartanka:-
· In warbixinta la sameeyay sannadkan 2018
· Inuu yahay suxufi ku nool gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo haysta Kaadhka xubinimadda SOLJA
· Inuu yahay Suxufi u shaqeeya hay’ad warbaahin oo lagaranayo ama diwaangashan.
· In uu yahay Suxufi hore oo usoo shaqeeyay amase mid madax banaan-Freelancer
Tartanku waxa uu u furan yahay Idaacaddaha, Telefishanada, Wargeysyadda iyo Baraha Bulshada (Electronic Media), Waxaanad ku soo diri kartaan Emailkan:- cawkeaward@
Tartanku waxa uu si rasmi ah u xidhmi doonaa 15/10/2018-ka. Sidaas darteed Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa dhamaan Suxufiyiinta danaynaysa Tartanku inay sidaas ula socdaan shurruadaha Tartanka.