Abaal-marinta Cawke Award 2024
Hordhac.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu sanad walba qabtaa Abaalmarinta Cawke oo ku suntan dhiirigalinta Suxufiyiinta, xuska maalinta Saxaafadda iyo Shirwaynaha Saxaafadda Somaliland.
Abaalmarinta SOLJA ee CAWKE AWARD waxaa ku tartami kara qof walba oo suxufi ah (Rag iyo Dumarba) kaas/taas oo soo saaray/saartay sheeko muuqal ah, maqal ah, qoraal ah ama ah sawir-qaade kana hawl gala Somaliland.
Sannadkan si la mid ah sanadihii hore waxa ay Suxufiyiinta Somaliland ay ku tartamayaan abaalmarinta Cawke.
Halku-dhegga Sannadka: “Warbaahin u taagan badbaadinta Deegaanka.” Mawduucyada lagu tartamayaana waxay kala yihiin:
Hadaba dhinacyada kala duwan ee Muuqaalka, Maqalka,Qoraalka iyo Sawirradaba waxaa lagu soo qaadan doonaa mawduucyadan
- Muuqaalka
- Degaanka Iyo Dalxiiska Somaliland: Weriyeyaasha ku tartamaya Dhanka Maqalka iyo Muuqaalka waa inay soo bandhigaan mawduucyo la xidhiidha deegaanka iyo dalxiiska, xulo xagal ama angle soo jiidasho leh, xogta aad gudbinaysaana waa inay u wada dhamaystiranyihiin dhamaanba waxyaabaha lagama maarmaanka ah sida xigashada (Sources) Primary and Secondary.
- Mawduucaagu waa in uu soo jiidasho leeyahay, kana turjumaya khibradaada weriyenimo.
- Codka
Mawduuca weriyeyaasha ku tartamaya dhinaca Radioga Waa
Beeralayda iyo Xoolo-dhaqatada:Suxufiyiinta ku tartamaysa dhinaca radioga waxaa looga baahanayahay
- Dooro mawduuc la xidhiidha beeralayda iyo xoola dhaqatada
- Dooro xagal ama angle cadaynaya ujeedada mawduucaaga
- Xogta aad gudbinaysaa waa in lahaataa Primary and Secondary Sources.
- Qoraalka:
- Isbedelka Cimilada iyo Saameynta Deegaanka Somaliland: Warbixin qoto dheer oo ku saabsan saamaynta isbedelka cimilada ee deegaanka, iyo bulshooyinka miyiga iyo magaalooyinka Somaliland.
- Sawirka (Sawirro Sawir Qaade (PHOTOGRAPHY)
- Sawir-qaaduhu waa in uu soo gudbiyaa sawir ka turjimaya isbedelka cimilada iyo doorka uu ku yeeshay Somaliland,: Sawirro ka turjumaya saamaynta abaarta iyo dhibaatada biyo-yarida ee bulshada reer Somaliland.
Shuruudaha ka qayb galayaasha Tartanka
Dadka soo codsanaya abaal-marinta waxaa kala saaraya oo xulaya cidda guuleysatay guddi madax bannaan oo aqoon iyo khibrad u leh mihnadda warbaahinta dhan walba.
Haddaba si aad uga qaybgasho abaalmarinta CAWKE Award waa inaad buuxisaa shuruudahan:
- Tartamuhu waa in uu yahay muwaadin Somalilander ah
- Waa in uu haysto Card-ka xubinnimada ee SOLJA
- Waa in uu so diro warbixinta uu ku tartamayo muuqaalka (TV), maqalka/cod (Radio), sheeko qoraal ah ama sawirka uu ku tartamayo.
- Qofku wuxuu ku tartami karaa hal qayb oo kaliya.
- Warbixinta ama sawirka uu qofku soo gudbisanayo waa inay ahaadaan kuwo tayo leh, cod ahaan iyo muuqaal ahaanba fasiix ah.
- Qofna kuma tartami karo muuqaal ama sawir uusan lahayn.
- Haddii uu cid kasoo xigto qayb ka mid ah xogta, waa in uu xigashada sameeyo.
- Warbixinta ama sawirka aad ku tartamaysid waa inay khuseeyan qodobada xagga sare ku xusan
- Dadka sawirka ku tartamaya, waa in sawirku uu noqdaa sawir hadlaya ama sheeko ku dhex jirto.
- Warbixinta waa in laga heli karo baraha bulshada, mareegaha internet-ka ama barnaamijyada codka lagu kaydiyo sida Soundcloud iwm.
Si aad uga qayb qaadato tartanka raac tilmaamahan
- Tartamayaasho waxa ay xogta kusoo gudbinayaan Emailka (cawkeaward@soljaorg.com)
- Warbixinta waxa uu tartamuhu soo raacinayaa Magaciisaga oo sedexan, Gobolka uu ka hawl galo iyo Id-numberka kaadhka SOLJA
- Codsigu waxa uu furan yahay laga bilaabo 11ka Bishan ilaa iyo 30 September. 2024 ka hor 11:59 PM, codsiyada ka dambeeya waqtigan lama tixgalin doono.
Fiirogaar ah: Wetransfer lama ogola in lagu soo diro xogta tartanka. Tartamayaasha muuqaalku waa inay galiyaan YouTube kuna soo diraan linkga emailka tartanka, Sawirka, qoraalka iyo Codka waxa si toos ah loogu soo dirayaa (attachment) Emailka.