Ururka SOLJA oo gabdhaha wariyayaasha ah kulan ugu qabtay Hargeysa
Hargeysa(SOLJA) Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) ayaa in ka badan soddo Hablood (30) oo ka kala shaqeeya Hay’adaha warbaahinta u qabtay kulan balaadhan oo lagu falanqaynayey kaalinta ay Gabdhaha wariyayaasha ahi kaga jiraan horumarinta Saxaafadda Dalka.
Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Xayaad Maxamed iyo Saynab Maxamed Cabdi waxa lagaga dooday Doorka ay Gabdhaha wariyayaasha ahi ku yeelan karaan hogaaminta Hay’addaha warbaahineed iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen fursadaha waxbarasho iyo Tababarada Ururka SOLJA siiyo wariyayaasha.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA Maxamud Cabdi Jaamac ayaa wariyaasha u sharaxay SOLJA waajibaadkeeda iyo daryeelka guud ee ay wariyayaasha u fidiso, waxaanu sheegay in Gabdhaha Suxufiyiinta ah uu Ururku xil weyn iska saaray, isla markaana kaalin muhiim ah ay ururka ugu jiraan.
Guddoomiyaha SOLJA waxa uu uga waramay Wariyayaasha kulanka ka soo qayb galay waxyaabaha u qabsoomay ururka mudadii ay hogaanka cusub xilka hayeen, isagoo sharaxaad dheeraad ah ka siiyey dhaliilaha Ururka diiwaangaliyey ee ay ku kacaan saxaafadda Dalku iyo sidii looga bixi lahaa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka SOLJA waxa uu u sharaxay qaabka ay SOLJA u xalisay dhawr iyo toban wariye oo siyaabo kala duwan Xukuumaddu ugu xidhay Goboladda Dalka, kuwaas xukuumaddu markiiba xorriyadoodii usoo celisay.
Mr: Peter oo ah Macallin iyo Arday ku diyaarinaya shahaadada PHD Af-ka Somaliga iyo Saxaafadda oo ah khabiir ku hadla Af-ka Somaliga ayaa xog balaadhan ka siiyey gabdhaha Suxufiyiinta ah doorka ay ka qaadan karaan inay ka mid noqdaan madaxda saxaafadda, waxaanu usoo bandhigay inay ku xidhan tahay arrintaasi kolba dedaalka ay sameeyaan.
Yoonis Cali Nuur oo ah khabiir ku xeel dheer culuunta kala duwan ee Saxaafadda iyo arrimaha Bulshada ayaa isna Wariyayaasha ka soo qayb galay kulankan uga waramay waayo aragnimada uu u leeyahay gabdho badan oo suxufiyiin ah oo muujiyey inay qaban karaan shaqo ka badan inta ay qabtaan Ragga wariyayaasha ahi, isagoo tusaale usoo qaatay heerka ay qaar ka mid ahi ka gaadheen xagga siyaasadda iyo hogaaminta.
Kulankaasi oo aan noociisa hore loo arag wuxuu ahaa mid ay gabdhihii ka soo qayb galay iyo SOLJA isku weydaarsadeen macluumaad badan, waxaanay soo dhaweeyeen dedaalka hogaanka cusub ee SOLJA.