SOLJA oo in ka badan 90 Suxufi ku Tababaraysa Boorama iyo Laascanood
Laascaanood/Boorame (Solja)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa tabaro socon doona muddo Seddex maalmood ah u furay in ka badan 90 weriye oo ka kala socda gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka.
Weriyeyaal tiradoodu tahay 45 xubnood oo ka socday Gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool, ayaa tababarku uga furmay magaalada Laascaanood shalay, kuwaasoo uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka SOLJA Mr. Kayse Axmed Digaale, halka Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamaca (Xuuto) uu hoggaamiyey suxufiyiinta gobolada Maroodi-jeex, Saaxil, Gabilay iyo Awdal oo tababarku uga qabsoomay Boorama.
“Waxa halkan (Laascaanood) isugu yimi in ka badan 45 suxufi oo ka kala socda gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, weliba waxay ka sii kala socdaan Degaannada Oodweyne, Caynabo, Badhan, Gar-adag iyo Ceel-afweyn, waana tababar kor loogu qaadayo aqoonta suxufiga, isla markaana lagu siin doono duruus iyo qoraalo badan, iyadoo tababarkan oo kale ka furmayo Boorama maanta (shalay), kaasoo ay ka qaybgalayaan saddexda gobol ee galbeedka Somaliland oo ah Saaxil, gaar ahaan Berbera, Hargeysa iyo Gobolka Awdal, waxaanna tababarkaas Boorama ka qaybgalaya ilaa 50 suxufi, waxaanna tababarkan iska kaashaday Hay’adda NED iyo SOLJA.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka SOLJA Mr. Kayse Axmed Digaale oo ka hadal ka jeediyey furitaankii tababarka suxufiyiinta ee magaalada Laascaanood shalay.
Waxa kaloo uu tilmaamay inay tahay markii u horraysay taariikhda ee tababar sidan oo kale ah loo qabto suxufiyiinta lixda Gobol ee Somaliland ee ilaa hadda sida rasmiga ah loo aqoonsan yahay, isagoo caddeeyey in tababarkan ka mid yahay tababaro taxane ah oo loogu talogalay in lagu kobciyo, laguna dhiso aqoonta suxufiyiinta Somaliland, kuwaasoo la qaban doono inta lagu jiro sannadkan 2015.
“Waxa tababaradan soo socdaa isugu jiraan kuwo saxaafadda lagu barayo aqoonta guud ee mihnada saxaafadda, sharciga iyo anshaxa warbaahinta, iyadoo tababarka ka fumray Laascaanood iyo Boorama maanta (shalay) yihiin kuwo culayska lagu saari doono in weriyeyaasha la baro aqoonta aasaasiga ah ee mihnada saxaafadda,” ayuu yidhi
Mr. Kayse Axmed Digaale, isagoo intaas raaciyey inay fuliyeen codsi uu hore ugu soo gudbiyey Badhasaabka Gobolka Sool oo la xidhiidhay in aqoon loo raadiyo weriyeyaasha ka hawlgala gobolkiisa, gaar ahaan magaalada Laascaanood.
Waxa kaloo halkaas hadal ka jeediyey Badhasaabka Gobolka Sool Md. Yaasiin Maxamed Shide oo sheegay inuu aad ugu farraxsan yahay dedaalka Ururka SOLJA u galay inuu tababar ugu qabto magaalada Laascaanood suxufiyiin badan oo ka socda gobolada bari ee Somaliland, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay sida ay u aqbaleen codsiga uu u gudbiyey ee la xidhiidhay in la dhiso aqoonta bahda saxaafadda Sool, lagana shaqeeyo sidii ay u heli lahaayeen xaqa iyo xuquuqaha ay ku leeyihiin Somaliland.
“Gobolka Sool waxa ku nool dhallinyaro suxufiyiin ah oo aad u firfircood, maskax furan oo dedaal badan, kuwaasoo aan markii hore haysan wax tababaro ah iyo wax xaquuq ah, laakiin waxa taas ka jawaabay maanta SOLJA oo aad ugu mahadnaqayo, iyadoo aan sidoo kale baaq u diray Wasaaradda Waraafinta oo aan jecelahay inay ka jawaabi doonto si saxaafadda reer Sool loo siiyo sadka iyo xaqa ugu ballaadhan, taasoo aan kala hadlay Wasiirka Warfaafinta, markalena waan kala hadli doonaa haddii Ilaahay yidhaah, waxaanan SOLJA uga codsaday inay tababarka ku qabtaan Laascaanood waxay ahayd si loo helo dhallinyaro midaysan iyo in dadku is-dhexgalo si loo helo ummad midaysan,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool, kaasoo ballanqaaday inuu tixgelinayo xoriyadda iyo madaxbannaanida saxaafadda.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Mr. Cabdiraxmaan Colhayo oo isna hadal ka jeediyey furitaankii tababarkaas, ayaa sheegay inuu aad u soo dhawaynayo in weriyeyaal ka socda gobolada bari ee dalka aqoon-korodhsi loogu qabto Laascaanood, isagoo hadalkiisa ku bilaaabay si kaftan ah waxa uu yidhi; “Kolay saxaafadda iyo ciidanka ammaanka ee Boolisku way kala xannaaqaan oo heshiis maha, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa in kulankan noqdo kii aynu dhiddibada ugu taagi lahayn heshiis waara oo dhexmara ciidanka booliska iyo bahda saxaafadda, intaaso waa iga kaftan, heshiis waynu nahay oo dad wada dhashay ayeynu nahay, laakiin waxa aan idin leeyahay ogaada in kelmed qof yidhi eyey ummad ku tuntaa, kelmad uu shaqsi yidhina ummad way ku badbaadaa, waxaanan Ilaahay ka baryayaa in aad noqotaan kuwa kelmadooda ummad ku badbaado, laakiin aydaan noqon kuwo kelmad kelmed ayey yidhaahdeen qaranku ku dumo, waxaanan Ururka SOLJA ka codsanayaa inay tababarada sidan oo kale ah badiyaan, gaar ahaan gobolada bari ee dalka.”
Maayir-ku-xigeenka magaalada Laascaanood oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka hadlay xafladda loo sameeyey furitaanka tababarka loo qabtay saxaafadda, ayaa sheegay inuu qaybaha kala duwan ee warbaahinta ku soo dhawaynayno magaaladiisa, isagoo xusay in saxaafaddu tahay meelaha ay bulsho ka dunto ama ka dhisanto, waxaannu ku baaqay in laga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo tababarada weriyeyaasha, looguna heli lahaa agabka iyo qalabka ay ku shaqayn lahaayeen.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), Badhasaabka Awdal iyo masuuliyiin kala duwan, ayaa hadalo ka jeediyey furitaanka tababarka ka dhacay magaalada Boorama, kuwaasoo si faahfaahsan u sharraxay muhiimada tababarada iyo aqoontu u leedahay suxufiyiinta, loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii loo kobcin lahaa aqoontooda, iyadoo Guddoomiyaha SOLJA ballanqaaday inay urur ahaan ka shaqayn doonaan sidii tababaro joogto ah loogu heli lahaa qaybaha kala duwan ee saxaafadda gobolada Somaliland, waxaanna labadaas tababar ee ka dhacay Boorama iyo Laascaanood la soo gabagabayn doonaa Axadda.