Ururka SOLJA Oo Tababar Ugu Soo Xidhay 90 Suxufi Laascaanood Iyo Boorama
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa tababarro muddo seddex maalmood ah uga socday Magaalooyinka Laascaanood iyo Boorama u soo geba gebeeyey 90 suxufi oo ka hawl gala qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Somaliland.
Tababarkan oo uu soo qaban qaabiyey Ururka SOLJA oo kaashanaya ayna maal-gelisay hay’adda National Endowment for Democracy (NED), oo muddo laba maalmood ah ka soconayey Magaalooyinka Laascaanood iyo Boorama, isla markaana lagu barayey sida loo baadho wararka qarsoon ama xaasaasiga ah, ayaa si rasmi ah loogu soo xidhay Magaalooyinkaasi, iyada oo shahaadooyin la xidhiidha casharadii ay barteen, halkaasi lagu guddoonsiiyey.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ka hadlay geba gebada tababarkii lagu soo xidhay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in ay kala qaybtood u qaybiyeen Suxufiyiinta ka hawl gasha Gobollada dalka, isla markanaa Magaalooyinka Boorama iyo Laascaanood ugu qabteen sadex gobolba, isaga oo xusay in tababar ay bixinayaan uu hordhac u yahay tababaro badan oo kor loogu qaadayo Aqoonta Suxufiyiinta Somaliland.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiintu, waxa uu kula dardaarmay Weriyeyaasha ka qayb galay Tababarkan in ay casharadii ay barteen ku dabaqaan shaqooyinkooda dhinaca wartebinta.
Dhinaca kale, Guddoomiye kuxigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Keyse Axmed Digaale oo isaguna ka hadlay, ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay soo xidhaan tababarkii u horeeyey ee Suxufiyiinta Gobollada Bariga loogu qabto Magaalada Laascaanood.
Keyse Axmed Digaale, waxa uu sheegay in looga baahan yahay Weriyeyaasha tababarka la siiyey in ay warbaahinta ay metelayeen uga faa’idaan casharada ay qaateen.
Ugu dambeyntii waxa 90 suxufi la gudoon siiyey shahaadooyin la xidhiidha tababarka ay qaateen.