SOLJA iyo Al-bashiir Oo Wada Jir u qabtay Kulankii 3aad Ee Culimada Iyo Saxaafadda
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja iyo Hayada Al-bashiir oo sanad walba qaba kulan sanadle ah oo ay ka soo qayb galaan saxaafada iyo Culimada dalka ayaa waxa laga furay magaalada Hargeysa kaasi oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah saxafiyiinta magaalada Hargeysa iyo culimada dalka iyo Masuuliyiinta xukuumada oo uu ugu horeeyo Wasiirka Diinta iyo awqaafta somaliland, waasiirka Warfaafinta, gudoomiyaha maxkamada sarre iyo gudoomiyaha ururka Solja.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto sheegay in sanad walba ay si wada jir ah u qabtaan iyaga iyo Hayada Al-bashiir oo lagu sameeyo kulan lagaga hadlayo arimaha bulshada,diinta iyo sidii ay saxafiyiintu uga qayb qaadan lahayeen horumarka guud ee dalka.
Geesta kala waxa halkaasi ka hadlay Mustafe ciise oo ka socday Hayada Al-bashiir oo sheegay in uu noqon doono kulan kani mid taaba gala oo sanad kasta laqabto sanadkanina uu yahay sanadkii 3aad waxa kale oo uu aad u xusay in uu kulankani ku duugan yahay sidii loo fahmi lahaa xaqa suxufiga ee diinteenu ina farayso iyo waliba sidii looga wada arinsan lahaa yoolka mustaqbalka saxaafada.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta somaliland iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare oo si isku mid ah uga hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay saxaafadu hada tahay mid wanaaga ka shaqaysa waxaanu dhiiri galiyeen in ay saxaafadu horumarkaasi sii wadaan kuwaasi oo sheegay in cilmigu yahay mid laysku gudbiyo oo la kala faaiidaysto.
Gebo-gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Cabdiraxmaan Faarax Cabdilaahi Guribarwaaqo oo sheegay in kulankani ay aad u soo dhawaynayaan uuna yahay kulamada sida weyn wax uga tara aqoonta guud iyo fahanka mihnada saxaafada waxaanu aad ugu mahad celiyey dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii uu u hir gali lahaa.