TARTANKA SAXAFIYIINTA EE ABAALMARINTA CAWKE 2021
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu sanad walba qabtaa Abaalmarinta cawke oo ku suntan dhiirigalinta saxafiyiinta, xuska maalinta saxaafadda iyo Shirwaynaha Saxafiyiinta Somaliland oo ku beegan 9-10 Nov 2021.
Sannadkan si la mid ah sanadihii hore waxa ay saxafiyiinta Somaliland ku tartamayaan abaalmarinta Cawke.
Mawduucyada lagu tartamayaana waxay kala yihiin:
- Covid19 iyo saamaynta uu ku yeeshay bulshada Somaliland
- Warbixinaha khuseeya arrimaha Deegaanka sida
- Ka ugaadhsiga sharci darrada ah ee duurjoogta Somaliland,
- Nabaadguurka Deegaanka
- Isbadalka cimilada, waxsoosaarka iyo saamaynta reer-miyiga
- Faa’iidada qurxinta, dalxiiska iyo bilicda deegaanka
- Saamaynta adeegsiga baraha bulshadu ku leedahay bulshada Somaliland
SHURUUDAHA LOOGA BAAHAN YAHAY TARTAMAHA ABAALMARINTA CAWKE
- Waa Inuu yahay Muwaadin Somalilaander ah
- Waa Inuu yahay Saxafi ka hawlgala haya’ad Warbaahineed ama madaxbanaan (Freelancer)
- Waa in uu haystaa Kaadhka xubinimada ama ka diiwaangashan yahay SOLJA
FAAHFAAHIN KU SAABSAN TARTANKA:
- Warbixintu waa inay tahay mid la sameeyay sannadkan 2021
- Waxa lagu tartamayaa Qoraal, Muuqaal, Cod iyo Sawir(Photography)
- Waa inuu qof walba soo raaciyaa Magaciisa oo Saddexan iyo lambarka tilifoonkiisa.
- Warbixintu waa inaanay ka dheeraan {5 daqiiqo} (Codka iyo Muuqaalkaba)
- Warbixinta qoraalka ahi waa inaanay ka badan {1 hal bog}
- Sawirka lagu tartamayo waa inuu noqdo {1 hal sawir} (saamayn leh la xidhiidha mawduucyada tartanka sannadkan)
Fiirogaar ah: Wetransfer lama ogola in lagu soo diro xogta tartanka. Tartamayaasha muuqaalka waa inay galiyaan YouTube kuna soo diraan linkga emailka tartanka.
Mudada uu furan yahay codsigu waa Sabti 02 – Sabti 16 Oct 2021 ka hor 11:59 PM, codsiyada ka dambeeya waqtigan lama tixgalin doono.
Waxaa lagu soo gudbinayaa xogta tartanka emailkan [ Cawkeaward@soljaorg.com ]