Ururka SOLJA Oo daahfuray Mashruuca Kor U qaadida Xoriyada Saxaafada
Hargeisa-SOLJA-Kulanka oo furitaankiisa ay ka soo qayb galeen wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Shurkri Xariir Ismaaciil, iyo sidoo kale inta badan bahda warbaahinta waxaa ugu horayn kulanka ka hadlay Agaasimaha fulinta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Yaxye Maxamed Cabdi isaga oo ka hadlay waxyaabaha uu kulankaasi daaranaan doono “Waxaynu ka shaqayn doonaa sidii aynu kaabis iyo wax kabadal ugu samayn lahayn xeerka saxaafadda somaliland ee xeer lr. 27/2004 kaasoo aynu hore kulammo uga yeelannay mashruucani wuxuu xoogga saari doonaa kor uqaadida xoriyadda saxaafadda iyo abuurka amaan dhinaca sharciga ee saxafiyiinta kaas oo aan ka wada shaqaynayno haayadda IMS bilaha sannadka ka hadhay lana gaadhi doono ka qaybqaatayaal ka badan kuwii hore” ayuu yidhi Agaasimaha SOLJA.
waxaa sidoo kale ka hadlay madasha Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jamac Xuuto oo ka qayb galayaasha ku soo dhaweeyay kulanka ka dib wuxuu tilmaamay in bilihii u dambeeyay ee sannadkan uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu ka shaqaynayay sidii loo heli lahaa shuruuc taaba gal ah oo anfacda bulshada Somaliland oo dhan, taana ay u marayaan waddooyinka ku haboon wuxuu yidhi “ waxaanu ka shaqaynaynay sidii wax ka badal iyo kaabis loogu samayn lahaa xeerka saxaafadda ee somaliland sida agaasimuhuba Tilmaamay, waana sunnaha shuruucda dad sameega ah in mar walba oo waqtigu dheeraado wax iska badalaan wacyiga, kaabis lagu sameeyo marka laga yimaado sharciga samaawiga ah”. Ayuu yidhi Gudoomiye Xuuto.
Waxaa kulanka dhexdiisa soo koobid ku sameeyay xaaladaha ay soo martay hawshani Gudoomiyaha gudida ka shaqaynta wax kabadalka iyo kaabista xeerka Abdilahi Aadam oo loo aqoon ogyahay (Wayab) waxaanu tilmaamay in bilawgii sannadkan bishii feebarwari la daahfuray kulankaana lagu doortay 7 xubnood oo ka shaqaynay xeerka mudadaana ay u qabsoomeen waxqabadyo badan oo laxaad leh kuwaas oo aasaas u noqon doona sidii ay u soo bixi lahaayeen sharci ka turjumaya danta dalka iyo dadkaba.
Waxa kulanka sidoo kale ka hadashay wasiirku xigeenka wasaarada warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil iyada oo ku boorisay dhamaan suxufiyiintii ka soo qayb gashay inay u gutaan waajibaadka shaqo ee ka saaran bulshadooda si masuuliyadi ku dheehan tahay sidaa si la mid ahna ilaaliyaan xuquuqda dadka kale dhamaantood si guud, iyo in sidoo kale la aasaaso isla xisaabtan shaqsiyadeed oo saxafigu aanu ku xadgudbin xuquuqda muwaadiniinta kale ee xorta ah waxaanay tilmaantay in ay aqoon iyo khibradba isla barbar taagi doonaan isla-markaana ay si mug leh uga qayb qaadan doonaan sidii loo heli lahaa shuruuc wanaagsan.
Waxa ugu dambayntii kulanka furay wasiirka wasaaradda warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo sheegay in maalintii shalay(Doraad) ay kulan ku wada qaateen xafiiska SOLJA kunafaraxsan yahay isku dayga sidii wax ka badal iyo kaabis loogu samayn lahaa xeerka Saxaafadda Somaliland balse ay Wasaarad ahaan ay iyaguna dib u eegis ku samayn doonaan, kuna dari doonaan wixii ay u arkaan inuu u baahan yahay in lagu daro.
Waxa uu intaa ku daray in hadii ay dadaaladaasi midha dhal noqdaan ay u gudbin doonaan golayaasha sharci dajinta. Waxaanu yidhi “Waxa aan soo dhawaynayaa sidii xeerka saxaafadda loo samayn lahaa ama wax ka badal loogu samayn lahaa haddii ay dadaaladaasi taaba gal noqdaana ay u gudbin doonaan Golayaasha Sharci dajinta ee ay khusayso waxaan sidaa si la mid ah aad ugu faraxsanahay inaad samayseen adeegga caawimada sharci ee saxafiyiinta in saxafigu helo qareen ama lawyer difaaca kiisaska wariyeyaasha,” ayuu yidhi Wasiirku