Home / Activity / Ogeysiis: Abaal Marinta Cawke (Awke Media Award 2020)

Ogeysiis: Abaal Marinta Cawke (Awke Media Award 2020)

Ogeysiis: Abaal Marinta Cawke (Awke Media Award 2020)

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ku war-gelinayaa dhamaan Suxufiyiinta Somaliland in uu Tartankii Abaal marinta Cawke ee sanadka 2020-ku si rasmi ah u furan yahay.

Sidaas daraadeed; Xaaladda Covid19 aw-geed waxa uu Ururku sannadkan wax ka bedelay qaabkii hore ee suxufiyiintu u soo xaraysan jireen warbixinadda uu Ururku u qiimayn jiray, taas oo aan sannadkan U dhignay in ay tartamayashu soo diraan Warbixin kooban oo waafaqsan shuruudaha hoos ku xusan taas oo lagu qiimayn doono.

Qaybaha iyo Barmaamijyada lagu tartamayo sannadkan 2020:-

Warbixinadda ku aadan Caafimaadka gaar ahaan ka hortagga Caabuqa Covid19 iyo wacyi-gelintiisa
Warbixanada ku aadan Wacyigelinta Doorashooyinka iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa.

Shuruudaha Tartanka:-

  1. In warbixinta la sameeyay sannadkan 2020
  2. Inuu yahay suxufi ku nool gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo haysta Kaadhka xubinimadda SOLJA
  3. Inuu yahay Suxufi u shaqeeya hay’ad warbaahin oo lagaranayo ama diiwaangashan oo ka hawlgala Idaacaddaha, Telefishanada, Wargeysyadda iyo Baraha Bulshada (Social Media).
  4. In warbixintiisu tahay mid soo jiidasho leh, ahmiyad u leh bulshadda, isku dheelitiran dhinac kasta oo u qaabaysan hanaanka barnaamijyadda ama qoraalka oo aan ka badnayn:-
                            2.1.  Muuqaalka ah 4 daqiiqo
                           2.2. Dhagaysiga ah 4 daqiiqo
                           2.3. Qoraalka ah 1 Bog

Hadaba si aad uga qayb qaadato tartanka fadlan Warbixintaada ku soo Waqtiga loo asteeyey oo ah mudada u dhaxaysa 12-ka ilaa 22-ka September, 2020-ka  11:59am Habeenimo. Adiga oo raacaya link-gan Hoose

Halkan ka Codee

 

About Abdishakur Mohamud

Check Also

Advocacy meeting between media and Government officials on easing access to information

SOLJA organized the first of Panel discussion on 16 August 2020 Easing access to information for ...

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *