Maalinta Caalamiga ah ee soo afjarida la xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta
Maanta oo ay taariikhdu tahay 02.11. 2022, waxa maalintan oo kale sanad walba dunida laga xusaa maalinta dabargoynta tacadiyada iyo danbiyada ka dhanka ah saxaafada.
Sanadkan 2022, waxa isku sidkan oo dunida laga xusayaa maalinta dabargoynta tacadiyada iyo danbiyada ka dhanka ah saxaafadda iyo sanad guurada 10aad ee qorshaha qaramada midoobay ee lagu cidhib tirayo tacadiyada iyo danbiyada ka dhanka ah saxaafadda.
Si la mid ah ururada iyo hay’adaha dunida ee ka shaqeeya arimaha saxaafadda, Ururka SOLJA waxa uu aaminsan yahay in tacadi kasta oo ka dhan ah saxaafadda kaas oo lagu aamusiinayo saxaafada ama lagu cabsigelinayo si ay u joojiyaan ka waramidda xaaladaha iyo dhacdooyinka dalka ka dhacaya waxa uu Ururka SOLJA u arkaa inay tahay wax aan la aqbali Karin.
Sanadkan 2022, waxa uu ahaa mid saxaafadda Somaliland ay la kulantay xadhig tiro badan oo loo gaystay saxafiyiin kala duwan oo goobo kala duwan oo dalka ah lagu xidhay waxana cabsigelin loo gaystay kuwo kale oo ururka la soo xidhiidhay iyaga oo ka cabanaya masuuliyiinta gobolada ay ka hawl galaan. Sidoo kalena waxa la xidhay xarumo warbaahineed sida Idaacadda BBC oo laga joojiyey shaqaddi ay dalka ka haysay iyo Telefishanka CBATV oo isagana xidhaynaa muddo ku siman laba bilood waxana ganaax lacageed oo badan dusha laga saaray talefishanka MMTV.
Waxa sanadkan la xidhay 38 saxafi kuwaasi oo lagu xidhay goobo kala duwan oo dalka ah. Tirada saxafiyiinta sanadkan la xidhay waxay ku dhawaad labanlaab ka badan yihiin tirada xadhiga sanadkii hore oo dhamayd 21 saxafi.
Ururku waxa uu sharci daro u arkaa talaabo kasta oo aan sharciga loo marin oo lagu beegsanayo saxafiyiinta kaas oo aanu urur ahaan cambaaraynayno kana soo horjeedno. Waxaan sidoo kale ka xunahay xadhiga loo gaystay 38 ka saxafi xili ay gudanayeen waajibaadkooda wartabineed waxaanan culays la saarayo xarumaha warbaahinta u aragnaa ganaaxa lacageed ee lagu soo rogay xarumaha warbaahineed ee kor ku xusan sanadkan gudihiisa.
Hadaba, si loo xoojiyo dimaqraadiyadda Somaliland loogana hortago dhacda kasta oo dhaawaci karta sumcada dalka waxaan u soo jeedinayna Dawlada in saxafiyiintu ay helaan jawi saamaxaya deegaan badbaado ah oo u ogolaada in iyaga oo aan cidna ka baqaynin ay tabin karaan dhacdooyinka dalka ka dhacaya.
In saxaafadda lagu dhiirigeliyo shaqada ay bulshada u hayaan ee aan manfaca lahayn balse ay dhagaystayaashooda kula wadaagayaan xaaladaha iyo dhacdooyinka dalka ka jira iyada oo la ogyahay doorka saxaafadda Somaliland ay ka qaadato horumarka dhaqan dhaqaale, amni iyo mida hirgelinta geeddi socodka dimoqraadiyadda dalka.
Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu bogaadinayaa shaqada saxafiyiinta iyo warbaahinta Somaliland ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda waxana uu ku boorinayaa inay u dhabar adaygaan xaalad kasta oo soo wajahda inta ay ku gudo jiraan shaqadooda waxana ururku uu isha ku ahyn doonaa dhacda kasta oo ka dhan ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta si loola socdo xaalada dhabta ah ee saxaafada Somaliland.