TARTANKA SUXUFIYIINTA EE ABAALMARINTA CAWKE 2022
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu sanad walba qabtaa Abaalmarinta cawke oo ku suntan dhiirigalinta saxafiyiinta, xuska maalinta saxaafadda iyo Shirwaynaha Saxafiyiinta Somaliland oo ku beegan 9-10 Nov 2022.
Sannadkan si la mid ah sanadihii hore waxa ay saxafiyiinta Somaliland ku tartamayaan abaalmarinta Cawke.
Mawduucyada lagu tartamayaana waxay kala yihiin:
- Radio/Audio: Qabyaalada iyo Saamaynta ay ku leedahay Bulshada
- Television/Videos: Saamaynta sicir-bararku uu ku yeeshay Bulshada
- Articles/qoraal: Doorka Bulshadu ku leedahay Maamul Wanaaga
- Sawirka: Isbadalka Cimilada iyo Saamaynta Abaaraha
SHURUUDAHA LOOGA BAAHAN YAHAY TARTAMAHA ABAALMARINTA CAWKE
- Waa Inuu yahay Muwaadin Somalilaander ah
- Waa Inuu yahay Saxafi ka hawlgala haya’ad Warbaahineed ama madaxbanaan (Freelancer)
- Waa in uu haystaa Kaadhka xubinimada ama ka diiwaangashan yahay SOLJA
FAAHFAAHIN KU SAABSAN TARTANKA:
- Warbixintu waa inay tahay mid la sameeyay sannadkan 2022
- Waxa lagu tartamayaa Qoraal, Muuqaal, Cod iyo Sawir (Photography)
- Waa inuu qof walba soo raaciyaa Magaciisa oo Saddexan iyo lambarka tilifoonkiisa.
- Warbixintu waa inaanay ka dheeraan {4 daqiiqo} (Codka iyo Muuqaalkaba)
- Warbixinta qoraalka ahi waa inaanay ka badan {1 ilaa 2 bog}
- Sawirka lagu tartamayo waa inuu noqdo {1 hal sawir} (saamayn leh lana xidhiidha mawduucyada tartanka sannadkan)
Fiirogaar ah: Wetransfer lama ogola in lagu soo diro xogta tartanka. Tartamayaasha muuqaalku waa inay galiyaan YouTube kuna soo diraan linkga emailka tartanka, Sawirka, qoraalka iyo Codka waxa si toos ah loogu soo dirayaa (attachment) Emailka.
Mudada uu furan yahay codsigu waa Axad 02 – Sabti 15 Oct 2022 ka hor 11:59 PM, codsiyada ka dambeeya waqtigan lama tixgalin doono.
Waxaa lagu soo gudbinayaa xogta tartanka emailkan [Cawkeaward@soljaorg.com]