Maxkamadda oo furtay Baadhista Dacwad ka dhan ah wasiirka Arrimaha Gudaha

 

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu Bahda Garsoorka uga mahadnaqayaa inay Ururka

ka aqbaleen isla markaana u fureen manta oo ay bishu tahay 14/04/2016-ka Dacwad ka dhan ah

wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed warancade, kaasoo Qafaalasho iyo Garaacis

sharci darro kula kacay Wariye Cabdifataax Ismaaciil Caarshe oo Maxkamadda u gudbiyey

cabashadiisa toddobaadkan taasoo dhibtu ku dhacday 26/03/2016-kii.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo u taagan Horumarinta iyo Difaacida Suxufiyiinta Somaliland

waxa uu ka codsanayaa Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Qaybta Baadhista Danbiyadda (CID)-da

inay si deg deg ah baadhista danbigaasi u gasho iyagoo Tixgalinaya cabashada Dhibane Wariye

C/fataax Ismaaciil Caarshe.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale ku celinayaa inay canbaaraynayaan fal kasta oo ka baxsan

nidaamka Dawladeed oo ay masuuliyiintu kula kacaan Wariyayaasha Dalka, iyadoo dhinaca kale

aanu Ururku ku taageerayn bahda Saxaafadda danbiyada ka baxsan Anshaxa Saxaafadda.

Ururka SOLJA waxa uu gacanta ku hayaa Dacwado farabadan oo ka dhan ah Suxufiyiinta

Somaliland, kuwaas oo ay ku soo eedeeyeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, sidaas

daraadeed waxa uu Ururka Garsoorka ka dalbanayaa inay Cadaaladda mariyaan Dacwadaha iska soo

horjeeda ee horyaala.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa inay Madaxda Somaliland iyo Muwaadiniintu u siman yihiin

sharciga, isla markaana cidii ku xad-gudubta inay awooda Dalka gacanta ku qaataan iyagoon

ixtiraamayn xuquuqaadka Aas aasiga ah ee Dadweynaha inay soo bandhigi doonaan Suxufiyiinta

Somaliland ee xilka culus u haya Qaranku.

Ururka SOLJA waxa uu dhamaan Suxufiyiinta ugu baaqayaa inay ilaaliyaan Anshaxa iyo Milgaha ay

leedahay Mihnada Saxaafaddu, taasoo sida Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Saxaafaddu-ba

damaanad qaadeen jiritaankkeeda iyo Karaamadeeda.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu Xukuumadda ugu baaqaya inay sii wado wax

kasta oo caqabad ku keeni kara wadashaqaynta Saxaafadda iyo Hay’addaha Qaranka, iyadoo

maalmahan danbe ay soo baxayaan in ay debecsanaan ku keenin masuuliyiinta uu Qaranku u

igmaday hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin Suxufiyiinta iyo Bahda Saxaafadda ba.

Ururka SOLJA waxa uu masuuliyiinta ugu baaqayaa inaanay suxufiyiinta xidhan iyagoo aan u marin

siffo sharci darro ah isla markaana ay tixgaliyaan go’aamadii ka soo baxay kulankii ay wadayeesheen

Saxaafadda, Garsoorka iyo masuuliyiinta Amnigu.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Author

Abdishakur Mohamud

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *