Tababar 9 Suxufi Loogu Qabtay Xarunta SOLJA
9 Suxufi oo ka hawl gala Wargeysyada, Telefishanada iyo Idaacadda Radio Hargeysa, ayaa tababar ku saabsan tebinta Maamul wanaagga loogu soo geba gabeeyey Xarunta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah, oo fulintiisa iska kaashaday Mashruuca Xoojinta Dawladnimada ee SSG iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa muddadii uu socday waxa lagu baranayey habka ugu wanaagsan ee ay Suxufiyiintu u tebiyaan wararka la xidhiidha Maamul Wanaagga iyo Dimuqraadiyadda, iyada oo tababarkan uu bixinayey Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka tirsan hay’adda Internews.
Casharada lagu bixinayey tababarkan ee Weriyeyaashii ka qayb galay ka faa’idaysteen, wax aka mid ahaa tebinta maamul Wanaagga, Xuquuqda ka qayb galka ee haweenka, habka weriyeyaashu u baadhi karaan warar la xidhiidha isla xisaabtanka iyo musuq maasuqa iyo weliba wada shaqeynta ka dhaxaysa Dawladda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Dadweynaha.
Sidoo kale waxa lagu tababarkan muddadii uu socday Weriyeyaasha ka qayb galay qaabka Xukuumadda iyo Golaha Wakiilladu u waxa shaqeeyaan ka soo jeediyey Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo sharaxaad ka bixiyey waajibaadka Golahooda iyo sida ay ula xisaabtamaan Xukuumadda.