Ururada SOLJA iyo VIKES Oo tababar laba cisho socday wada qabtay
Hargeisa SOLJA -Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo ururka VIKE oo taageero ka helaya Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Finland ayaa si wada jir ah Tobabar ugu Qabtay Hotel maansoor ee magaalada Hargeisa, Tobabarkan oo Ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Warbaarinta Bahda Garsoorka iyo Booliska, ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka kala socday sidexdaasi kooxood.
Tobabarkan oo mudo laba maal mood ah socday ayaa furmay 22 bisha 8aad 2016-ka, waxaan furitaankii Khudbado kala duwan ka jeediyey masuuliyiintii ka soo qayb gashay oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Ururka SOLJA, Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Maareeyaha Tv-ga Qaranka Somaliland, sidoo kale iyaguna waxa halkaasi khudbado ka jeediyey masuuliyiin ka socday Ururka VIKES mr. Peik johanson iyo mr. Tomas oo kana mid ahaaa Macalimiinta Tobabarka Bixinayey.