
SOLJA Oo daahfurtay Mashruuca Lafa gurka iyo wax ka badalka Xeerka Saxaafadda
Hargeysa-SOLJA-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa daahfuray Mashruuca Lafa gurka iyo wax ka badalka Xeerarka Warbaahinta Somaliland oo isugu jira Xeerka Saxaafada iyo xeerka baahinta, munaasibadan oo lagu qabtay maansoor Hotel ayaa waxa ka soo qayb galay, Wasiiro, Xildhibaano, ururada bulshada rayidka ah iyo Warbaahinta Qaybaheeda kala duwan.
ugu horeyn gudoomiyaha SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac oo faah faahiyey Daahfurka Mashuuca ayaa sheegay inuu kulankan daahfurka ahi daba socdo kulama hore oo lagu soo lafa guray Xeerka Saxaafada halkiina laga sii wadi doono iyadoo kan xooga lagu saari doono xeerka baahinta ee loo yaqaano Broadcasting Law.
dhinaca kale masuuliyiin isugu jirta Xildhibaano, Wasiiro iyo Gudoomiyaha Dalada SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada uu xeerku u leeyahay Warbaahinta qaybaheeda kala duwan.
Gaba gabadii waxa madasha lagu doortay Gudi ka kooban 10 xubnood oo ka shaqayn doonta xeerka baahinta.
mashruucan ayaa waxa iska kaashanaya SOLJA iyo SONSAF oo kaashana SIDA iyo SLRF